Daawo Sawirada:- Tiro yar oo ku hor bannaanbaxday Hotelka Madaxweynaha ka Daganaa Mareykanka..

Daawo Sawirada:- Tiro yar oo ku hor bannaanbaxday Hotelka Madaxweynaha ka Daganaa Mareykanka..

daajis.com:-Tiro yar oo Soomaalida ku nool Minnesota ayaa ku hor bannaanbaxay hotelka uu Madaxweynaha Somalia ka degan yahay halkaasi, iyagoo soo bandhigay dareenkooda iyo sida ay ugu soo horjeedaan qaabka wax maamul.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uu dhankasta ku Fashilmay oo Amaankii Dalka iyo rajadii Ummadda Soomaaliyeed uu Ceel ku riday.

“Mudadii uu Xilka hayay Xasan Sheikh Waxaa laga Faa’iday in ay Dhintaan Dad Qaali ah ,waxaa  Burburay Rajadii Soomaalida,Xildhibaanadii Qaranka ayaa Barqo cad lagu dilay Madaxtooyada Dalka,Aaway Amaankii Dalka”ayey Dhaheen Banaanbaxayaasha.

Cumar Maxamed oo ka mid ah aqoonyahanada Jaaliyada Puntland ee ku nool Minnesota ayaa bannaanbaxaasi ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen koox gaar ah oo hal deegaan kasoo jeeda isla markaana ay ka haboon tahay in Madaxweyne Soomaaliyeed ay ku hor bannaanbaxaan hal beel.




Bannaanbaxaan ayaan aheyn mid sidaas u awood badnaa maadaama ay kasoo qeybgaleen tiro yar oo Haween u badnaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada