Daawo Sawir:-Muran Xoogan oo ka dhashay Sawir uu Kaamirad isaga qaaday Daanyeer..

Daawo Sawir:-Muran Xoogan oo ka dhashay Sawir uu Kaamirad isaga qaaday Daanyeer..

daajis.com:-Barta internetka ee Wikipedia, ayaa diiday dalab uu u soo jeediyay sawir qaade, codsaday in ay websitekooda ka saaraan tiro sawirro daanyeer.

Waxay ku doodayaan in sawiradaas uu iska qaaday daanyeeerku oo cidna aysan sawirkaas lahayn.


Laakiin David Slater oo ah sawir qaade British ah ayaa sheegay in isagu uu leeyahay sawiradaas maadaama uu daanyeerku adeegsaday kameerad uu isagu leeyahay.



Slater ayaa sheegay in daanyeerku riixay ama uu nabay kaameradiisa meesha loogu talagalay in la riixo marka sawirada la qaadayo.

Wikipedia waxa ay rumaysan tahay inkasta oo sawirradaas lagu qaaday kameradda Slater, haddana uusan lahayn xuquuqda sawirkaasi maadaama uusan sawirqaaduhu gacantiisa ku qaadin.

Kathren Maher oo ah Afhayeen u hadashay Wikimedia Foundation ayaa sheegtay in sharciga Maraykanku uu dhigayo in qofina uusan lahayan xuquuqda sawirkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada