Xukuumada Somalia oo War kasoo saartay Dagaal lagu dilay Sargaal katirsan Al-Shaaab iyo Dagaalyahano kale

Xukuumada Somalia oo War kasoo saartay Dagaal lagu dilay Sargaal katirsan Al-Shaaab iyo Dagaalyahano kale

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku ammaanay ciidanka amniga guulaha ay ka gaareen dagaalo kooxaha argagaxisada ku dhexmaray magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Kooxaha argagaxisada ayaa dhowr jeer xalay soo weeraray magaalada Buulo Burte oo halkaas uu jab ba’an ku qabsaday oo kooxihii soo weeraray lagu laayey goobtaas. 6 ka mid ah meydka oo uu ku jiro horjeegihii kooxda Al-Shabaab ayaa weli yaalla goobta, tanoo keentay in kooxahan ay isku dayaan inay qaataan meydkaas, hase yeeshee waa laga itaal roonaaday marwalba oo ay weerar soo qaadeen.

Wasiirka ayaa ammaanay doorka ciidanka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya ciidanka AMISOM oo in mudo ahba hor taagnaa kooxaha argagaxisada inay dib ugu soo laabtaan Buulo Burte. Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Argagaxisada Al-Shabaab oo si ba’an looga guuleystey Buulo Burte ayaa waxey ka mid tahay guulahii isdabo jooga ahaa ee looga soo horjeeday kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan dalka. Dowladdu wey ka go’an tahay in la sii wado dagaalka kooxaha nabad-diidka ah si dalka loo gaarsiiyo xasilin, nabad iyo barwaaqo. Kooxaha argagaxisadu waxey shacabka u diidan yihiin nabad, xasilin iyo barwaaqo, iyagoo diidan dowladnimo, maamul wanaag, kala sareynta sharciga iyo horumarka dalka.”

Dowladdu waxey wadaa qorshihii nabadeynta, xasilinta iyo sidii dalka loogu horseedi lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016 si shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidanka oo uu yiri “Waxaa waajib nagu wada ah inaan shacab iyo dowlad gacmaha isqabsanno oo aan ka wada shaqeyno nabadeynta dalka. Ciidanka geesiyaasha ahna waxey naga wada mudan yihiin inaan si joogta ah u taageerno si ay ugu sahlanaato in si dhaqso leh loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada