Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo weeraray guriga Axmed Daaci.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo weeraray guriga Axmed Daaci.

daajis.com:-Xaaladda Degmada Wada jir ayaa degan kadib dagaal mudo saaccado socday oo dhex maray Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo ciidamo difaacayay Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmad Xasan Caddow { Axmed Daaci}, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan oo bilowday xalay socdayna ilaa saakay ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Wadajir ayaa is hor fadhiyaan, waxaana jira cabsi mar kale laga qabo in dagaalo bilowdaan.

Toban qof ayaa dagaalkan ku dhimatay, tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad shacab ah oo madaafiicda guryahooda ugu tagtay. iyadoo ciidamada AMISOM laga gubay mid ka mid ah gaadiidkooda oo lala helay Baasuuke.

Maleeshiyooyin hubeysan oo deegaanka ah ayaa isku uruursanaya dhinaca galbeed ee degmada Wadajir iyo Dharkeenley, halkaasoo la sheegay inuu u baxsaday Axmed Daaci.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin guriga Axmed Daaci iyo Guriga siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ay baaritaano ka sameeyeen, inkastoo an la soo sheegin in wax hub ah laga helay.


Gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Dharkeenley Yuusuf Kawaale ayaa goor dhoweyd Ciidamada Nabadsugida ay gurigiisa kala baxeen oo ku dhowaa Guriga Axmed Daaci, iyadoo loo heysto inuu qeyb ka ahaa dagaalkii xalay.

Waxaa socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisada, waxaa siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad Mas’uuliyiin ah ay dadaal ugu jiraan inay xaliyaan, waxaana wali la ogeyn cida amartay weerarkii xalay lagu qaaday Guriga Axmed Daaci.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aanay si rasmi ah uga hadlin dagaalka iyo ujeedka loo qaaday, hadana warar qaar waxay leeyihiin in ciidamada howl galka qaaday ay ku socdeen amar sare.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa intii uu socday dagaalkii saakay waxaa uu ku eedeeyay in Ciidamo AMISOM iyo kuwa dowladda ay soo weerareen gurigiisa, isla markaana uu iska difaacay.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in howl galkan uu qeyb ka ahaa kuwo hubka looga dhigayo hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo Muqdisho ku sugan.

Laakiin Odayaasha beelaha Muqdisho oo la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaha ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid qaldan, maadaama habka loo marayo ay tahay mid dagaal oo aan aheyn wada hadal iyo xal mastuur, si dadka hubka heysta si nabad ah looga soo wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkii xooganaa ee xalay ilaa saakay ka dhacay degmada Wadajir ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray saddex sano ka hor.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada