War Deg Deg:- Axmed Daaci iyo Qaar kamid ah Ciidamadiisa oo isku dhiibay Sargaal katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya

War Deg Deg:- Axmed Daaci iyo Qaar kamid ah Ciidamadiisa oo isku dhiibay Sargaal katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya

daajis.com:-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw (Axmed Daaci) oo saakay dagaal culus la galay Ciidamada Nabad Sugida Dowlada iyo kuwa AMISOM uu goordhaw is dhiibay.

Axmed Daaci ayaa la sheegay in uu isku dhiibay Taliyaha Saadka Ciidanka Milatariga Soomaaliya Cabdulaahi Macalin Nuur , waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in hada Axmed Daaci lagu hayo xarun Dowlada Muqdisho ku leedahay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadan in gacanta Dowlada uu soo galay Axmed Daaci oo kamid ahaa Hogaamiyaasha aadka ugu hubeesan Magaalada Muqdisho saakayna ciidamada Nabad Sugida iyo AMISOM la galay dagaal dhiig badan ku daatay. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada