Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saakay duulaan ku qaaday degmada Buulo Mareer

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saakay duulaan ku qaaday degmada Buulo Mareer

daajis.com:-Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa saaka oo sabti ah waxa ay ku dhaqaaqeen Degmada Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Shabaab.


Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ka baxeen dhowr jiho oo ku aadan Degmada Buulo mareer.

C/qaadir Siidii ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Huwanta ay hada ku sugan yihiin deegaanka Golweyn oo ku dhaw Degmada Buulo Mareer qiyaastiina u jirta 15-km.

Ciidanka ayaa dhaqaaqay saaka aroortii, xilli saacada ay ku beegneyd 5:30 Subaxnimo, waxaana ay ka kala baxeen, Qoryooleey, Shalaambood iyo wadada Kabtanlaas oo Qoryooleey ku dhaw.

Dagaal aan sidaasi u weyneyn ayeey ciidamada kala kulmeen xoogag ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa dhanka Siinaay oo ku dhaw beeraha Deeganka Shalaambood.

Ciidamada Huwanta ayaa jooga hada meel ku dhaw Buulo mareer oo Qiyaastii 15-KM ujirta Degmadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada