Ciidamada Maamulka Jubba oo Hawlgal Xagga Amniga ah ka fuliyay Magaaladda Kismaayo

Ciidamada Maamulka Jubba oo Hawlgal Xagga Amniga ah ka fuliyay Magaaladda Kismaayo

daajis.com:-Waxaa saakay hawlgal balaaran oo dad badani lagu soo qab qabtay laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo hawlgalka lagu xaqiijinaayo ammaanka Kismaayo.

Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba oo maanta isku fidiyay qaybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo, ayaa waxay ku soo qab qabteen dad lagu tuhmaayo Ururka Al Shabaab.
 
Dadkaan waxaa lagu hayaa Saldhiga Dhexe ee Kismaayo, halkaasoo baaritaano loogu sameynaayo, si looga hortaggo kuwa khatarta ku ah bulshada ku nool Magaalada Kismaayo.
 
Iska horimaad xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray Madaxa Ammaanka ee Magaalada Kismaayo Maxamed Xasan Barre (Gaboobe).
 
Hawlgalka maanta laga sameeyay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la lee yahay wuxuu ka dambeeyay, dhaawacii  Magaaladaasi loogu geystay Maxamed Xasan Barre.
 
21-ka bisha soo socoto ee September waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed, oo loo qabanaayo beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
 
Suxufi ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaaya in Magaalada Kismaayo lagu wado in laga sameeyo hawlgalo dheeri ah, oo markaasi lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada.
 
Magaaladda Kismaayo ayaa Amnigeeda aad loo adkeeyay si looga hortago wax walba oo amniga qal-qal gelin kara.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada