Faah-faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Jabuuti xilli M/weyne Geele uu kasoo dagay Garoonka

Faah-faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Jabuuti xilli M/weyne Geele uu kasoo dagay Garoonka

daajis.com:-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaa shalay Gelinkii dambe ka dhacay toogasho Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti, ka gadaal markii uu rasaas furay mid ka mid ah Ciidanka Ilaalada Garoonka.

Dhacdadaan, ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli uu Garoonka ka degay wefdi uu horkacaayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isla-markaana ay Garoonka ka baxayn 10 daqiiqo ka hor, intii aynaan toogashadu dhicin.

Rasaastii uu furay askariga waxaa ku dhaawacmay laba ruux, oo middi uu yahay dhakhtarta caafimaadka ee Madaxweynaha Jabuuti, Dr. Idiris Cabdi Galab, sidoo kalana ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga ah.

La taliyaha Dhinaca Warfaafinta ee Madaxweynaha Jabuuti, Najiib Cali Tahir, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynuhu uu 10 daqiiqo ka hor ka baxay Garoonka, intii aynaan dhicin toogashada.


Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, ayuu sheegay in laba qof oo kaliya ay waxyeelo ka soo gaartay rasaastii, uu furay ninka askariga ah.

Tahir, ayaa ujeedada ka dambeysa rasaasta ku macneeyay mid ka dhalatay, khilaaf gaar ah oo u dhaxeeyay askariga iyo dhakhtarka Madaxweynaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada