Ciidamada Nabad Sugidda oo Degmada Wadajir Ku soo Qabtay Rag Ka tirsan Ururka Al Shabaab

Ciidamada Nabad Sugidda oo Degmada Wadajir Ku soo Qabtay Rag Ka tirsan Ururka Al Shabaab

daajis.com:-Ciidamada Nabad Sugidad iyo kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay Shan ruux oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Qabashada ragaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii ciidamada Degmada Wadajir iyo kuwa Dowladda ay halkaasi si wadajir ah saaka uga sameeyeen howlgalo culus oo dhanka ammaanka ku saabsan.
Ragan lasoo qabtay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu haayo Saldhiga Degmada Wadajir. Loona wareejinayo laamaha ammaanka dalka si ay baaritaano ugu sameeyaan.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo joogto ah waxa ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, howlgaladaasi oo ammaanka caasimada lagu xaqiijinayo.
Wasiirka cusub ee Amniga Khaliif Axmed Ereg, ayaa dar-dargelinaya ammaanka caasimada, isaga oo sameeyay qorshooyin cusub oo la xiriira hanaanka sugidda ammaanka caasimada.
Ciidamada Dowladda ayaa maalmahan dambe kordhiyay bartilmaameedka ay ku hayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda ay kordhisay Sirdoonka iyo Xogaha dhanka ammaanka ku saabsan.
Iyadoo howlgalada ay ka socdaan Magaalada Muqdisho ayaa dhanka kale waxaa bar-bar socda dilal kala duwan oo ka dhacaya Muqdisho oo ugu dambeeyay shalay dilkii loo geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada