Ciidamo ka socda Dalka Sierra-Leone oo ku Soo jeeday Soomaaliya oo la baajiyay

Ciidamo ka socda Dalka Sierra-Leone oo ku Soo jeeday Soomaaliya oo la baajiyay

daajis.com:-Afhayeenka ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo jooga Soomaaliya Col. Cali Aadan Xumad ayaa waxa uu walaac ka muujiyay Cudurka Ebola ee ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika.

Cali Aadan Xumad waxa uu sheegay in Cudurkaasi uu halis u yahay inuu ka dhasho Dalka Somalia waxa uuna ku baaqay in Goobaha Caafimaadka iyo Bulshaduba ay ka feegjignaadan.
Sidoo kale, Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in uu Midowga Afrika hakad galiyay qorshe ay isku bedbeddeli lahaayeen ciidamada ka socda dalka Sierra Leone sababo la xariira cudurka Ebola ee ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika.
Xaamud waxa uu Tilmaamay in kala badelka Ciidamada uu si gaar ah u saameyn doono hal guuto oo uu sheegay inay ka imaan lahaayen Dalka Sierra Leone si ay ugu biiraan AMISOM, taasina ay hakiyeen si looga bad-baado kala qaadka Cudurka.
Dhanka kale, Cali Xaamud waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in go’aanka lagu joojiyay kala beddelka askarta Sierra Leone uu yahay mid looga hortagayo in cudurka Ebola oo sababay geerida ilaa 700 boqol oo qof oo ku noolaa dalka Sierra Leone.
Cudurkaan dilaaga ah ayaa waxa uu bilawgii sanadkan kadilaacay Dalka GUINEA si fududna uu ugu faafay wadamada deriska la áh wadankaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada