daajis.com:-Wax ka ogow Jagooyinka Muhiimka ah ee Sirdoonka Ethiopia ay ku
Leeyahiin Xukuumada ay Madaxda ka yahiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud
iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Wasiirada kala ah Warfaafinta: Mustaf Cali Dhuxulow, Gaashaandhigga:
Maxamed Sheekh Xasan, Ciyaaraha:Khaalid Cali Cumar, Maaliyada: Xuseen
Cabdi Xalane, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka: Faarax Sheekh Cabduqadir,
dhamaan ragaas waa Xubno Muhiim ah oo ka tirsan Sirdoonka Ethiopia,
waxaana sidaas ii Xaqiijiyey mid ka mid ah Siyaasiyiinta xog-ogaalka ah
ee Soomaaliyeed oo xilal kala duwana ka soo qabtey Dawladahii Soomaaliya
soo marey.
Siyaasigaasi waxa uu intaas iigu darey in Magacaabista Xilalka ay
hayaan Ragaas ay ka dambeysey Dawlada Ethiopia, welibana Xukuumada
Ethiopia iyada ay dalbatey in Wasiiradaas Madax looga dhigo Wasaaradaha
Muhiimka ah sida Maaliyada, Gaashaandhiga, Cadaalada iyo Arimaha
Dastuurka iyo Warfaafinta taasoo ay aqbaleen Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed.
Waxuu kaloo Siyaasigan oo aan dooneyn inaan Magaciisa Shaaciyo uu
iigu Dhaartey in Wasiir Mustaf Dhuxulow, Wasiir Dr Khaalid Cali Cumar
iyo Wasiir Faarax Sheekh Cabduqadir ay Gacan weyn ku siiyeen Sirdoonka
Ethiopia iney si Qarsoodi ah Qalabka wax Basaasa ugu xirtaan Xafiisyada
Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra’iisal Wasaaraha.
Ugu dambeyn Siyaasiga Arimahan ila wadaagey waxuu ii sheegey in
Taliyaha Cusub ee Sirdoonka Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali
Sanbalooshe uu isaguna mudo dheer ka tirsanaa Sirdoonka Ethiopia haatana
ay Dawlada Ethiopia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal
Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ku Cadaadisey in Jagadaas loo Magacaabo
Mr Sanbalooshe.
Xogtan waxaa bartiisa facebook ku wadaagay weriyaha caanka ah ee Cadullahi Nuur Kolombo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:03 and have
, Published at