Dareen Jaceyl:- Maalin hadii aad iga maqan tahay Jawiga Iima dagana..

Dareen Jaceyl:- Maalin hadii aad iga maqan tahay Jawiga Iima dagana..

daajis.com:-Ii ogolow inaan ahaado qofka qalbigaaga si qoto dheer u dhex dega,kan fursada u hela inuu garabkaaga taagnaado waqtiyada farxada iyo murugada labada. Ma aqaano inta aan wadajiri doono,laakin aan ahaano hal qof.
Waan jeclahay nolosha,sababtoo ah adiga ayey i kaasiisay.Waan ku jecelahay in ka badan hal erey inaan ku cabiro dareenka aan kuu qabo. Waxa keliya aan kula doonaayo waa kalgaceyl aan dhamaad laheyn
Ereyadu kuma filna inaan kuu qeexo macnaha aad iigu fadhido iyo sida aan ugu baahanahay inaad garabkeyga joogto gebi ahaan nolosheyda.
Waxaan kaa qaadi doonaan murugta si aan farxad kuugu bedelo,marnaba ha iga tegin,waayo noloshu la’aantaa waa mid aan dhadhan laheyn, waxaad ii tahay qaaligii nafteyda waana inaad garwaaqsataa hamiga aan kuu qabo jaceylkeygiyoow.
Ma taqaanaa sababta aan weli kuu xusuusanahay? Waxey cadeyn u tahay sidaan kuu daneynaayo. Ma ogi in nafluhu dhan sidaan wax u tabo,laakin qalbiga adiguu kuu garaacmaa gacaliye.
Waan xeraa indhaheyga si lacala indhaheyga ay dib u soo celiyaan wejigaaga,sawirkaaga uusan marnaba maskaxdeyda u faaruqin,Ma ogtahay nafteydoow albaabkasto oo dunida ah hadii la xero in albaabada qalbigeyga weligiis kuu furnaan doono, waayo waan ku jeclahay.
Ii ogolow inaan gacmaha is qabsano,hadaad maalin keliya iga maqnaato ama aan waayo codkaaga waxaa iga luma deganaanta,maskaxduna dhankaaga ayey u janjeertaa.
Weli iguma filna jaceylkaaga,xilli kasta oo aan sii dhedhemiyana waan ku sii milmaa,kumaan mar hadii aan ku iraahdo waan ku jeclahay waxey ila tahay inaaney ku filneyn.
Ma jirto Qofna ma awoodo iney iga kaa fogeyso ama xado jaceylkeena, U ogolow jaceylkeena inuu sii noolaado kumanaan sano,islamarkaana dunida inteeda kale aan iska weheshano.
Waxaan si wadajir ah u dhisanay riyo aad u macaan,aan ka dhabeyno riyooyinkaas kuwa rumooba.

Taariikhda caashaqeena waxey salka ku heysaa jiritaanka nolosheena,waxay ku bilaabatay kaftan ilaa mowjadaha jaceylka ay meelo fog nagaarsiiyen,
Qalbigeyga gudahiisa waxaa ka buuxa xusuuso aan hilmaami karin oo an waqtigii aan soo martay,Ma ogtahay nafteydoow in maalinta ugu dambeyso ee qisadeydaan inaan ku jeclaan,kuuna jeclaan doono dareen la mid ah kii ugu horeeyey ee aan kuu qaaday.
Markii ugu horeysay ee wadnaheygu bilaabay inuu dikaamo adiga ayuu kuu garaacmay,adiga ayaa nasiib u yeeshay in qalbiga iyo maskaxda inaad mashquuliso,indhaha u diido sawirkaaga mooye mid kale iney arkaan,Naftaan adigaa hogaanka u haayo har iyo maalin, waana ii ciid saacadaha aan wada qaadano.
Ma dhab baa inaad garabkeyga taagan tahay? In aadanaha kale oo dhan iiga sokeyso,nasiibku mar buu kuu hiiliyaayey daqiiqadaha ay nolosha ii bilaabato waa markaan helo fariimaha qalbigaaga,mana jecli inuu waqtigu dhamaado si riyadaas aanan uga kicin.
Waan kaa fekeraa nolosheydow habeen iyo maalin, waxaan rabaa inaan kugu dhex qufulo qolka yar ee qalbigeyga aad ka dhex sameysan,mana doonayo inaan kuu ogolaado inaan banaanka kuu soo saaro,waxaad halkaas ku soo dhex arki doonaa baaxada dagaalka qalbigeyga ka dhaco la eg yahay xilliyada aan kala fognahay iyo sidey xiiso u leedahay wadnayal caashaq wadaagay markey midoobaan.
Markii aan ku arkaba qalbigeyga farxad darteed ayuu la duulduulaa,Waxaad tahay hawadii aan ku neefasanaayey iyo iftiinkii arageyga

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada