Ciidamada nabad sugidda oo ka hortaggay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Nabadd sugidda ee Gobolka Benaadir

Ciidamada nabad sugidda oo ka hortaggay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Nabadd sugidda ee Gobolka Benaadir

daajis.com:-Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo afjaray howglalkii looga hortgay iskudaygii maanta Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Nabadsugida gobolka Benaadir Godka Jilicow ee Waaxda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyada oo halkaasi lagu toogtay dhamaan maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee xarunta weeraka ku soo qaaday.

Ciidamada Nabad sugidda  waxa ay ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarka ay maleeshiyaadka Shabaabku soo qaadeen, waxaana ay goobta ku toogteen 7- ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa waxa ay wateen labo gaari, kuwaasi oo doonayay inay xarunta gaaraan, hayeeshee ciidamada ayaa waxa ay kaga hortageen labada gaari ee walxaha qarxa lagu soo xiray birta koowaad ee xarunta laga soo galo  hallkaasi oo ay ku qarxeen, taasi oo wadarta guud ee tirade kooxda Al-Shabaab laga dilay ay noqoneyso 9-maleeshiyo.


Xarunta Nabad sugidda ee gobolka Benaadir ayaa ah mid aad u degan, iyadoo saraakiisha ay baaritaanno ku hayaan dadka gacanta ku siiyay weerarka lagu soo qaaday xarunta nabad sugidda Gobolka Benaadir.

Radiomugdisho

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada