WARBIXIN:- Al-Shabaab oo weerartay xarunta Nabadsugida ee Godka Jilacow.

WARBIXIN:- Al-Shabaab oo weerartay xarunta Nabadsugida ee Godka Jilacow.

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka saakay lagu qaaday xarunta Godka Jilacow ee Nabadsugida, kadib markii dagaal culus oo barbar socdeen qaraxyo ay ka dhaceen gudaha xarunta Nabadsugida.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray howlgalkii Godka Jilacow oo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka.

Ciidamada Nabadsugida oo isugu jira qeybta loo yaqaano Ruuxaanta iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee gaashaan ayaa ka qeyb qaatay howl galkan, markii Al-Shabaab ay weerareen xaruntaas.

Dad goob jooogayaal ah ayaa sheegaya in weerarkan oo qaatay mudo saacado ah, uu ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo gudaha ay ku galeen kooxaha weerarka soo qaaday.

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha godka Jilacow, waxaana la sheegay in Shan ka mid ah kooxaha weerarka soo qaaday la dilay.

Gawaarida Ambalaaska ayaa gudaha xarunta sii galayay, halkaasoo ay ka soo daad-gureynayeen dhaawacyo.


Lama oga in khasaare uu soo gaaray maxaabiistii ku jirtay Godka Jilacow ee loo heystay dambiyada, hase ahaatee gudaha xarunta ayaa la sheegay in aad la isku fara saaray oo rasaas fara badan ay ka dhacday.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in weerarka ay iyaga ka dambeeyaan, isla markaana dagaalyahanadooda ay gudaha xarunta Nabadsugida u galeen.

Ma jirto war si rasmi ah uga soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo ku aadan weerarkan lagu qaaday Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Godkii Jilacow, halkaasoo ah goob si aad ah loo ilaaliyo.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeyay is bedel xaga ammaanka laga dareemayay magaalada Muqdisho, kadib bishii Ramadaan oo magaalada ay hareeyeen falal amni daro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada