War Deg Deg Ah:- Dagaalkii Godka Jilacow kasocday oo lasoo afjaray iyo Meydad badan oo halkaasi lagu arkayo

War Deg Deg Ah:- Dagaalkii Godka Jilacow kasocday oo lasoo afjaray iyo Meydad badan oo halkaasi lagu arkayo

daajis.com:-Waxaa goordhaw Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan si buuxda ula wareegeen Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ee kutaal Ex- Godka Jilacow halkaas ay manta gudaha u galeen Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Xarunta Hay’ada Nabad Sugida oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal Culus oo socday ku dhawaad saacad kaa oo u dhaxeeyay Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab oo qaraxo iyo weerar toos ah ku galay xaruntaasi.

Wararka aan hada heleyno ayaa sheegaya in ay istaagtay rasaastii iyo qaraxyadii ka dhacay gudaha Xaruntaasi , waxaana hada si buuxda ula wareegay halkaasna baaritaano kawada Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaan Ciidamada Gaashaan.

Inta badan Dagaalyahandii Weerarka ku qaaday Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ayaa la dilay , waxaana lasoo sheegayaa in xarunta Hay'ada Nabad Sugida ay yaalaan Meyad badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay.


Waxaa jiro Qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray Dagaalyahanadii Weerarka qaaday iyo Ciidamada Nabad Sugida , waxaa sidoo kale lasoo tabinayaa in uu jiro qasaarooyin dad shacab ah iyana soo gaaray.

Wali wax war ah lagama hayo xaalada Maxaabiis badan oo ku xiran gudaha Xabsiga Godka Jilacow oo ah halka maanta Al-Shabaab weerarka ku qaadeen, mana jiro wax war ah oo labada dhinac kasoo baxay oo ku aadan Weerarka lagu qaaday Godka Jilacow oo Daqiiqado kahor soo idlaaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada