Ciidamada Somaliland oo saakay dagaal kula wareegay deegaanka Saaxdheere

Ciidamada Somaliland oo saakay dagaal kula wareegay deegaanka Saaxdheere

daajis.com:-Ciidamada Maamulka Soomaaliland, ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Saaxdheer oo ka tirsan Gobalka Sool, sida ay ku warramayaan ilo xog ogaal ah.

Deegaanka Saaxdheer Maanta oo Khamiis ah waxaa la qorsheynayay in lagu caleemo saaro Madaxweynaha cusub ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Ciidamada Soomaaliland oo aad u badan ayaa dagaal kadib gacanta ku dhigay deegaanka Saaxdheer oo ka tirsan Gobalka Sool, waxaana wararka ay sheegayaan in xaalada deegaanka ay tahay mid aad ukacsan.

Cali Khaliif Galeyr ayaa hada madax u ah maamul dhibaatooyin kala duwan ay haystaan, awooda maamulkaasina ay tahay mid aad u liidato.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada