C/qaadir C. Muumin oo hanjabaad adag u diray Puntland (Sebebtu waa Maxey)

C/qaadir C. Muumin oo hanjabaad adag u diray Puntland (Sebebtu waa Maxey)

daajis.com:-Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha sare ee ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee lagu dilay Taliyihii ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Puntland Col C/raxmaan Cabaas Muslim iyo Taliyihii waaxda canshuuraha gobolka bari.

Sheekh C/qaadir Cali Muumin ayaa sheegay “hadii la Madaxda Puntland ay dhihi jireen Puntland waa meesha ugu nabad badan Somalia, maantana waa goob dagaal oo dhaha waa meeshii saraakiisha nalooga dilay”. isagoo intaa raaciyay in ilaa looga xukumo Shareecada Islaamka ay sii wadi doonaan weerarada lagu dilayo madaxda.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka fogaadaan goobaha lagu shaaho iyo goobaha kale ee ay tagaan xubnaha saraakiisha Puntland, si aysan dhibaato ugu soo gaarin weeraro uu sheegay in ay la beegsanayaan.

Sheekh C/qaadir Cali Muumin wuxuu kaloo ugu digay dadka ku lugta leh maamulka Puntland in ay faraha kala baxaan oo bannaanka ka maraan si nafsadooda u badbaadiyaan.


Ugu danbeyntii wuxuu amaan u soo jeediyay dadka gobolada Koonfureed oo uu sheegay in ummada Muslimiinta ka farxiyeen markii ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan ciidamada shisheeye ee Muqdisho, Kismaayo ilaa Kenya ku sugan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada