Daawo:- Dibadbax lugu taageeray isbeddelka dhinaca ammaanka oo Muqdisho lugu qabtay

Daawo:- Dibadbax lugu taageeray isbeddelka dhinaca ammaanka oo Muqdisho lugu qabtay

daajis.com:-Dibadbax lagu taageerayay isbeddelka dhinaca ammaanka ee ka jira caasimadda Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha taallada Dal-jirka Daahsoon ee Muqdisho.

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada ayaa waxaa ka qeyb-galay boqollaal dadweyne ah, fannaaniin, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dibadbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen “Waqtigii Shabaab wuu dhamaaday – Annagaa naqaan waxa noo fiican, mana doonayno fikradaha xag-jirnimada ah” iyo erayo kale.

Xog-hayaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Canab Maxamed Cosoble oo ka hadashay dibadbaxa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamtay isbeddelka dhinaca ammaanka ee laga dareemayo caasimadda.

Canab ayaa sheegtay inay haweenka diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadgelyada, iyadoo bogaadisay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga.

Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Soomow oo ka qeyb-galay banaan baxa ayaa ka codsaday shacabka iyo dowladda in amniga ay ka wada shaqeeyaan, lana shaqeeyaan laamaha amniga, si horumar la mid ah kan ay maanta dareemeen loo gaaro wasaarada Amniga ugu fududaato hawsha loo igmaday.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdullaahi ayaa banaan baxa ku soo gunaanuday mahadcelin uu u jeediyay shacabka ku dhiiraday in ay muujiyaan dareenkooda amni, isagoo ku baaqay in shacabka ay ka wada shaqeeyaan sugidda nabad gelyada.

Isku soo baxa taageero waxaa uu ku soo aadaya xilli hay’adaha ammaanka dalka ay ka codsaden shacabka inay la shaqeeyan,si loo xoojiyo ammaanka dalka gaar ahaana Muqdisho.

http://video.daajis.com/2014/08/daawo-dibadbax-lugu-taageeray.html

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada