Laba Askari oo maanta lagu dilay deegaanka Iskushuban oo ka tirsan gobolka Bari !!!

Laba Askari oo maanta lagu dilay deegaanka Iskushuban oo ka tirsan gobolka Bari !!!

daajis.com:-Deegaanka Iskushuban ee gobolka Bari ayaa maanta lagu toogtay laba askari kuwaas oo ka kala tirsanaa Ciidanka badda iyo kuwa daraawiishta Dawladda Puntland.

Taliyaha cusub ee qeybta gobolka Bari Col. Cabdixakiim Yuusuf oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in labada askari ay toogteen kooxo hubeysan xili ay fadhiyeen goob meherd ah.

Col. Cabdixakiim Yuusuf ayaa hadalkiisa intaas ku daray in labada askari ee dhintay ay magaaladda Iskushuban geeyeen Odayaal dhaqeed u socday xalinta dagaal beeleed abaabulan oo kasoo cusboonaaday deegaanka.

……..””’ Askarta la dilay mid wuxuu ka tirsanaa ciidamada PIF-ta ee tababarrada u qaabilsan Puntland, kan kalena wuxuu ka tirsanaa ciidamada daraawiishta, waxaana la dilay iyagoo dabri iska fadhiya….””ayuu yiri.

Taliyaha oo qudhiisa ku sugan degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa xusay in dilka inta uusan dhicin ay deegaanka ka saareen kooxihii is hayey si dagaal kale uusan u dhicin balse arrintan ay dhacday.

”Markii falku dhacay waxaan magaalada ka saarnay kooxihii hubeysnaa si aanu fal kale u dhicin, xaaladdu waa deggen tahay, waxaana sugaynaa tallaabada la qaadi doono madaxda Puntland iyo odayaasha dhaqanka.”’ayuu yiri.

Sidoo kale,wuxuu sheegay Taliyuhu iney hayaan kiiska dhacay xogtiisa balse aysan gacanta ku hayn kooxdii hubeysneyd ee dilka ka danbeysay isla markaana ay joogaan hareeraha magaaladda Iskushuban ee gobolka Bari.

Weerarka lagu khaarijiyey labada askari ayaa dhaawac loogu geystay nin dhalinyaro ah oo la socday Odayaasha dhaqanka,waxaana dhaawaciisa loo qaaday sida uu Taliyuhuba sheegay deegaanka Xiriiro halkaas oo lagu daaweynayo.

Hoggaanka sare ee maamulka Puntland kama uusan hadlin dilka askartan iyo Colaada ka taagan deegaanka Iskushuban,waxaana hadda socota waanwaan loogu kala dabqaadayo beelaha dirirtu dhextaalo.


Si kastaba Colaada ka taagan deegaanka ayaa timid ka dib markii Todobaad ka hor uu iska hor-imaad dhexmaray kooxo deegaanka dhuxul ka shideysay iyo dadka deegaanka oo diidanaa in halkaas laga shido habayaraatee wax dhuxul ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada