Daawo Sawirada:- Mungaab oo Bun u dubay Taliye ku-xigeenka Ciidamada AMISOM Gen. Muhuusi

Daawo Sawirada:- Mungaab oo Bun u dubay Taliye ku-xigeenka Ciidamada AMISOM Gen. Muhuusi

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab’’ ayaa waxa uu kullamo dhanka Ammaanka ah maanta la qaatay Saraakiil ka tirsanaa AMISOM oo uu horkacaayay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Gen. Muhuusi.

Gudoomiyaha, Saraakiisha iyo Taliyaha ayaa waxa ay kawada hadleen Xaalada Ammaan dalka, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka uu Saraakiishaasi uga warbixiyay Horumarka laga gaaray dhanka Ammaanka iyo dol-doleelada loo baahan yahay in la daariyo, si uu dalka ugu talaabo Amaan ka duwan kan hadda la hantay.

Mungaab waxa uu sidoo kale Taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM iyo Saraakiishii la soctay ku ammaanay qaabka ay u socdaan Howlaha lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Guddoomiyaha iyo Taliyaha waxay kaloo isla soo hadal qaadeen dadaalada uu maamulka Gobolka ugu jiro dib u dhiska xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada.

Dhanka akle, Taliye ku-xigeenka AMISOM ayaa dhankiisa balan qaaday in uu gacan ka geysanayo xoojinta nabadgelyada caasimadda iyo ka shaqeynta horumarka ay iminka ku talaabsatay.

Waxa uu Bulshada ka codsaday inay sii labo jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si guud ahaan magaalada looga cirib tiro haraadiga Al-Shabaab ee dhibaatada dadka u geysanaya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada