Daawo Sawirada:- Soomaali ka tirsanaa ciidamada Daacish oo lagu dilay waqooyiga Ciraaq

Daawo Sawirada:- Soomaali ka tirsanaa ciidamada Daacish oo lagu dilay waqooyiga Ciraaq

daajis.com:-Baraha Bulshada kuwada xariirto ee adeegsadaan Xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu baahiyay Sawir Nin Soomaali ah oo la sheegay in lagu dilay Dagaal ka dhacay waqooyiga Dalka Ciraaq.

Ninkan Soomaaliga ah ee katirsanaa Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ayaa Magaciisa lagu soo koobay Abuu Muqdisho , lamana shaacin ninkan halka rasmiga ah ee lagu dilay iyo waliba wadanka uu katagay kahor inta uusan Ciraaq tagin.

Mid kamid ah Soomaalida Jihaad doonka ee kusugan Dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay geerida Ninkan Soomaaliga ah ee magaciisa lagu sheegay Abuu Muqdisho , waxaana Sawirka ninkan la dilay lagu baahiyay baraha Bulshada gaar ahaan Twitterka ay isticmaalaan Xoogaga Islaamiyiinta ah.

Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee kasocdaan dagaalo waxaa lagu dilay dagaalyahano badan oo Soomaali ah oo intooda badan ka kala tagay wadamo kuyaala Qaaradaha Yurub iyo Ameerika, si rasmi ahna looma hayo tirade Soomaalida lagu dilay Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada