Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Qaadista Canshuuraha dalka

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Qaadista Canshuuraha dalka

daajis.com:-Kulan deg deg ah oo ay xalay isugu yimaadeen guddi uu hoggaaminayo ku simaha Ra’iisul wasaaraha, ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed isla markaana ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana kulankaasi looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka ay dowladdu u soo gudbiyeen ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxa uu yiri Wasiirka “kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey sidii iskaashi iyo wada shaqeyn loogu qaadi lahaa Canshuurta dowladda, iyadoo guddiga ay si hoose uga hadleen cabashooyinka tooska ah ee ay ganacsatadu ka qabaan qaadista Canshuuraha dowladda”.

Kulanka deg degga ahaa ee guddigaasi kaddib ayaa laga soo saaray qodobbo ay isla garteen Xukuumaddu iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa qodobbada la isla gartay.

1. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan Canshuurta dowladda, si ku saleysan sharciga dalka.

2. In wixii Canshuur ah ay qaadi karaan oo kaliyah hey’adaha ugu xilsaaran dowladda qaadista Canshuurta, dhanka kale ciddii qaadda Canshuur aysan ka warqabin hey’daha dowladda in laga qaado tallaabo sharci ah.

3. “Xukuumaddu waxa ay fareysaa dhammaan hey’adaha ammaanka in ay sugaan nabad-galyada ganacstada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

4. In cabashooyinka ka yimaada Ganacsatada Soomaaliyeed ee la xiriira Dakedda, Koontaroolada iyo Canshuurta loo xaliyo si ku dhisan is afgarad iyo wada shaqeyn, dhanka Xukuumadda iyo Ganacsatada ah.


Qodobbadan ka soo baxay guddiga shirkan gaar ah isugu yimid caawa ayaa waxa uu ka dambeeyey kaddib markii uu maanta hakad galay isu socodka ganacsiga ee suuqa weyn ee Bakaaraha kaddibna ay Xukuumadda cabasho u gudbiyeen ganacsto wakiil ka ahaa dhammaan suuqa ganacsigiisa, sidoo kale arrintan ayaa muujineysa sida i fahamka leh ee ay u wada shaqeynayaan dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
 
DHAMAAD:

Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha .

Somalia, Mogadishu.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada