Daawo Muuqaal:- Wiil yar oo Soomaali ah oo mudo ku noolaa Kaniisad ku taala Magaalada Kambaala oo laga soo Saaray!!

Daawo Muuqaal:- Wiil yar oo Soomaali ah oo mudo ku noolaa Kaniisad ku taala Magaalada Kambaala oo laga soo Saaray!!

daajis.com:-Jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa waxaa la sheegay inay ku guuleysteen inay ka soo saaraan wiil yar oo Soomaali ah oo mudo ku noolaa Kaniisad ku taala magaaladaas ka dib markii uu aabihiis kaga dhuuntey dalkaas Ugandha.

Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Cali Xuseen Cabdullaahi oo 9 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu in mudo ah uu ku noolaa Kaniisad ku taala magaalada Kampala ee dalka Ugandha ka dib markii uu aabihiis oo halkaas geeyey uu kaga dhuuntey xarun kuleejo ah oo uu wax ku baranaayey ka dibna ay maxkamadu ay siisay wiilkaas Kaniisad ku taala halkaas arintaas oo keentay inuu wiilkaas uu noqdo qof lagu barbaariyo diinta Kirishtaanka ilaa ay ka soo gaareen oo ayna ka saareen goobtaas Kaniisada ah Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas Ugandha,

Ugu dambeyntiina iyadoo Wiilkaas yar ee Soomaaliga ah oo markii hore lagu soo barbaariyey diinta Kirishtaanka ay hada ku guuleysteen jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada Kampala ee dalka Ugandha inay ka sifeeyaan wixii maskaxdiisa lagu soo shubay wiilkaas yar ee Soomaaliga ah ayaa waxaa la sheegay inuu wiilkaas ay hada xaaladiisa wax weyn ay iska badashay gaar ahaana barida iyo ku barbaarinta diinta Islaamka, Aabaha dhalay Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullaahi oo sida la sheegay ku nool degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn sababta ku kaliftey inuu wiilkaas yar ee uu dhalay uu ku dayaco dalkaas Ugandha ee uuna kaga baxsado wiilkaas yar ee saqiirka ah dal iyo dad uusan wax aqoon ah u lahayn.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada