Daawo:- Nicholas Key oo Puntland kala hadlay xalinta khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka

Daawo:- Nicholas Key oo Puntland kala hadlay xalinta khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka

daajis.com:-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay Cabdiweli Gaas.

Kullan ay wada yeesheen Mr. Key iyo Cabdiweli Gaas ayaa waxay ugu hadleen Xiriirka u dhaxeeya xafiiska Q.Midoobay Somalia iyo Puntland, iyadoo ay isku afgarteen in la xoojiyo wada shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo xafiiska Q.M.

Sidoo kale Nicholas Key ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay xiriirka sii xumaaday ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.labada dhinac ayaa waxa ay isla soo qaaden sidii xal waara looga gaari lahaa, meeshana looga saari lahaa wada shaqeyn la'aanta u dhaxeysa labada dhinac.

Madaxwaynaha Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in uu sii xumaaday Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kadib markii la saxiixay hashiiskii lagu sameynayay maamulka Gobolada dhexe, kaasoo Puntland u aragtay mid xadgudub ku ah jiritaankeeda.

Nicholas Key ayaa u sheegay C/weli Gaas in heshiiskaasi lagu saxiixay Muqdisho ee Gobolada Dhexe, uusan Puntland waxna u dhimeyn, ayna haboon tahay in ay taageerto maamul u sameynta gobolada Dhexe.


“Waxaan rajeyneynaa in xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka uu si tartiib u soo hagaago, anagana waxaa ku dadaaleynaa dadaal kasta oo lagu soo celin karo xiriirka labada dhinac u dhaxeeyo”ayuu yiri Danjire Kay oo shir jaraa´id ku qabtay Garoowe isaga iyo C-weli Gaas.

Dhinaca kale Nicholas Key ayaa magaalada Garoowe beri kula kulmi doona Isimada Puntland, iyadoo aan la ogeyn kulankaasi waxa looga hadli doono, hase ahaatee uu codsaday Nicholas Key in uu la kulmo Isimada Puntland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada