Daawo:- Qarax miino oo loo dhigay Haween ka shaqeynayay Nadaafada

Daawo:- Qarax miino oo loo dhigay Haween ka shaqeynayay Nadaafada

daajis.com:-Ugu yaraan Afar Haween ah ayaa ku dhintay, Sideed kalena way ku dhaawacmeen qarax nooca miinada ah oo loo dhigay goob ay qashinka ka qaaxayeen oo tiilay miinada, kuna jirtay bac madow.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Carwadii hore ee degmada Hodan ayaa waxaa la sheegay in qaraxu ahaa mid meesha lagu diyaariyay, iyadoo haweenku ku guda jiray nadaafada goobta uu qaraxu yaalay, waxayna mid ka mid ah ay damacday in bacda madow ee meesha tiilay ku darto qashinka ay goobta ka aruurinayeen balse qaraxu dhacay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa goobta soo gaaray, halkaasi oo ay ka daabuleen dumarka ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana la dhigay isbitaalka MAdiina ee magaalada Muqdisho.Ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa durba goobta soo gaaray iyagoo bilaabay baadi goobka walxo kale oo qarxa iyo dadkii ka danbeeyay qaraxan foosha xun.

Illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ma jirto, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo qaraxyo la qariyay ay waxyeello noocaan oo kale ah kasoo gaarto haweenka nadaafadda ka shaqeeya.

Sanadkii 2010-kii ayaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee lala beegsado haween ka shaqeynayay nadaafada waxaa uu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyadoo ay ku dhinteen 15, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.  







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada