Daawo Sawirada:- Dilkii lagu fuliyay Sedax Dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Daawo Sawirada:- Dilkii lagu fuliyay Sedax Dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab

daajis.com:-Fagaaraha Iskool Boliisiya ee degmada Xamar Jajab ayaa saakay lagu toogtay saddex nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo maalmo ka hor maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil toogasho ah.

Sedaxdaan nin ayaa waxaa ku jiray ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada iyo labo kale oo ku eedeysnaa dilal Muqdisho ka dhacay.

Dhalinyaradan ayaa waxay kala ahaayeen Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Qaranka, Aadan Maxamed Xasan oo maxkamadda horteeda ka qirtay inuu dilay 19 qof iyo Bashiir Xasan Maxamed oo isna dad kale dilay.

Gudoomiyaha maxkamadda sare C/raxmaan Maxamuud Tuuryare oo ka hadlay goobta lagu toogtay dhalinyaradan ayaa sheegay in hadda kadib caruurta Shabaab ka tirsan ee dadka leynaya lasoo qabto in waalidiintooda laga soo tegi doonin.

Wuxuu sheegay in ay xabsiyada ku jiraan waalidiin badan, kuwaasi oo caruurtooda ka war qabay falalka ay ku jireen, isla markaana aysan laamaha amaanka kusoo wargelin.



Wuxuu sheegay in hadii aysan kusoo wargelin waalidiinta ee lasoo qabto caruurtooda in iyagana lala soo qaban doono.

Maalmihii u danbeeyay ayaa maxkamadda ciidamada waxay bilowday inay dedejiso xukunada dilalka ah ee lagu fulinayo dadka shabaabka ka tirsan.  








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada