Daawo Sawirada:- Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaano horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab

Daawo Sawirada:- Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaano horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab

daajis.com:-Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee kasocda Dalka Jabuuti ayaa maalmahan waxa ay howlgalo kawadeen deegaano duleedka ka ah Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan Deegaanadaas ay gacanta ku hayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa gaaray lana wareegay deegaano dhoor ah oo gacana ugu jiray Al-Shabaab , waxaana deegaanada ay Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM la wareegeen ay yihiin deegaano miyi ah ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo Gudoomiya ku xigeenka Gobolka Hiiraan Mahamed Ibrahim Abdullahi oo la socda Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee howlagalada wada ayaa sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhoor ah oo kuyaala Duleedka Magaalada Baladweyn.

Gudoomiyaha ayaa xusay in howlgalada ay Gobolka kaga xureenayaan Al-Shabaab uusan joogsan doonin ayna sii xoojinayaan ilaa Gobolka Hiiraan laga waayo sida uu tilmaamay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la tilmaamaa in howlaglada ay kasameeyaan Deegaanada Miyiga ah in aysan kusii nagaan ayna dib uga soo laabtaan taas oo saameyn ku yeelata dadka dagan deegaanadaasi isbadalada uu ka dhaco.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada