Xog Cusub:- R/W Cabdi Weli oo amray weerar ka dhan ah Barre Hiiraale

Xog Cusub:- R/W Cabdi Weli oo amray weerar ka dhan ah Barre Hiiraale

daajis.com:-Xog aan ka helnay qaar ka mid ah Saraakiisha Militeriga Dowlada Federaalka ayaa sheegaysa in Taliyaha Ciidamada Xooga Gen. Indha-qarshe uu amar ku bixiyay in duulaan hub ka dhigis ah lagu sameeyo Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo.


Amarka taliyaha ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey, kadib kullan uu la qaatay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo doonaya in Barre Hiiraale hubka laga dhigo, lana soo qabto.

Taliyaha ayaa waxa uu amar ku bixiyay in Ciidamada DF ee Jubooyinka jooga ay Hub ka dhigis ku sameeyan Barre Hiiraale oo xarumo ciidan ka sameystay Duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Deegaanka Goobweyn oo 11 km ka baxsan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Amarkaasi la siiyay ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu kamid yahay Gen Yuusuf Xuseen Dhuumal, waxaana la filayaa in duulaankaasi ay ka qeybqaadan doonaan Ciidamada AMISOM ee Kismaayo.


Lama Oga xiliga iyo goorta uu dhacaayo weerarka hub ka dhigista ah oo ay sameynayaan Saraakiisha DF ee Jubooyinka jooga, inkastoo ilo wareedka ay sheegayaan in Saraakiil ay ka bixi doonaan Magaalada Muqdisho si ay u hogaamiyaan Dagaalka lagu qaadayo Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisa.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo saaxib dhow la ah Axmed Madoobe, ayaa arrintan doonaya si uu Axmed Madoobe si toos ah ugu gacan geliyo gobollada Jubbooyinka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada