Xog:- Hiiraan oo la rabo in loo qeybiyo 2 gobol.

Xog:- Hiiraan oo la rabo in loo qeybiyo 2 gobol.

daajis.com:-Magaalada Baladweyne waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qeybgaleyn odayaal iyo wax-garad reer Hiiraan ah, waxaana ay uga hadleyn maamul gobaleed loo sameeyo gobalka Hiiraan oo kaliya.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan Xaaji Xasan Kumiye Absuge, oo ka mid ah odayaasha ka hadlay goobta ayaa sheegay in kulankooda uu la xiriiro siddii gobalka Hiiraan looga dhigi lahaa labo gobal oo kala ah, Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.

“Waxaan go’aan sanay in gobalka Hiiraan uu noqdo labo gobal, oo ka ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare, waxaana ka soo horjeednaa in aan hoostagno gobal degmo laga dhigay” ayuu yiri ayuu yiri Xaaji Xasan Kumiye Absuge.
Wuxuu tilmaamay in labadan gobal ay xarun ukala noqon doonto Baladweyne iyo Buuloburte.

“Haddii dowladda ay maamul gobaleed u sameeneyso gobalka Hiiraan waa in aysan nagu darin gobal kale ee gobalka ay ka dhigto labo gobal oo ka ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare” ayuu yiri Ugaas Xaseey.


Wuxuu sheegay oo kale in dhammaan odayaasha iyo wax-garadka ku shiray maanta Baladweyne in ay isku raaceyn intii gobal kale lagu mideyn lahaa Hiiraan in isaga labo loo kala qeybiyo maadama uu aad u ballaaran yahay.

Kulanka odayaashan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda ay dardar ku wado barnaamijyada ku saabsan maamul u sameynta gobalada dalka, waxaana dhawaan uu muran ka dhashay maamul gobaleed ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Gobalka Hiiraan ayaa deeganno badan waxaa ku sugan Al-Shabaab,waxaana sheegis mudan in Buuloburte ay noqotay magaalo go’doosan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada