Daawo Sawirada:- Ciyaartooy ka qeybgalayso tartanka Olympic Games 2014 oo ka furmaya Shiinaha

Daawo Sawirada:- Ciyaartooy ka qeybgalayso tartanka Olympic Games 2014 oo ka furmaya Shiinaha

daajis.com:-Waxaa magaalada Nanjing ee dalka China gaaray wafdiga iyo ciyaartoyda Soomaaliya u metelaya tartanka Olympikada Dhalinyarada aduunka 2014 kaasi oo 16-ka bisha ka furmaya halkaasi.

Gudoomiye-ku xigeenka XSCF marwo Khadiijo Aden Daahir,Tababare Maxamuud Cadoow,Orodyahan Axmed Xuseen Xasan iyo orodyahanada Maryan Nuux Muuse oo ku tartami doona noocyada orodka 800m iyo 200m ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Macalin Cumar C/qaadir Baarajab oo GOS u qaablisan tartankaasi.

Cumar Baarajab oo Gudiga olombikada u qaabilsan carabta iyo aasiya ahna madaxa wafdiga GOS ee tartankaasi ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi,isagoo xusey in GOS ay mar waliba ku dadaasho sidii calanka dalka Soomaaliya uga muuqan lahaa fagaarayaasha caalamka.

Tartanka Olympica-da dhalinyarada aduunka (Nanjing 2014 Youth Olympic Games) oo ah kii 2-aad ee la qabto ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa 16-ka bishan,waxana uu soo xirmi doona 28-ka isla bishaan Agoosto.


C/xafiid C/samad Zaciimka






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada