DaawoSawirada:- Golaha Wasiirada oo soo saaray war murtiyeed ku saabsan howlgalada hub ka dhigista+Warbixin

DaawoSawirada:- Golaha Wasiirada oo soo saaray war murtiyeed ku saabsan howlgalada hub ka dhigista+Warbixin

daajis.com:-Shir aan caadi aheyn oo Golaha Wasiirada ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana shirkani shir Guddoominayay Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo looga hadlayay arrimaha amniga iyo marxaladihii ugu danbeeyay ee howlgalka hub ka dhigista, waxaana shirkani laga soo saaray qodobo dhowr ah.




WAR-MURTIYEED SHIRKA GOLAHA WASIIRADA

Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud:

1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas:



2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha;

3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha;

4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub;

5. Waxaa la mamnuucay:

b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay;

t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada

qalab-sida iyo AMISOM;

j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn;

1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka;

2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala;



3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law);

4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan;

5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda;

6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana;

7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka; iyo

8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan.   









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada