Topnews:- Wiil uu Adeer u ahaa R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu dilay Dalka Ciraaq

Topnews:- Wiil uu Adeer u ahaa R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu dilay Dalka Ciraaq

daajis.com:-Waxaa soo baxaya in dalka Ciraaq lagu dilay Faarax Maxamed Faarx Shirdoon oo ah nin Soomaali Canadian ah islamarkaana uu adeer u ahaa R.Wasaarihii hore ee Somaaliya Saacid xili uu ku biiray Kooxda Daacish.

Madaxa ugu sareeya Sirdoonka Canada Michel Coulombe ayaa sheegay inay ka warqabeen in Mr Faarax uu aaday dhinaca Ciraaq islamarkaana uu Video kasoo dhax muuqday isagoo Baasaboorkiisa Gubaya una hanjabaya Canada.

ilo wareedyo iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Canada oo uusoo xiganayo TV-ga CBC ayaa xaqiijinaya in ninkaasi lagu dilay meel kamid ah Ciraaq.

Wasiirka arimaha Dibadda Canada John Baird oo saxaafadu arintan ay wax ka weydiisay mar uu shir jaraa'id qabanayay ayaa sheegay inay ka warqabana arintaasi balse uusan rabin inuu hada ku dheeraado ka hadalka macluumaadkaasi.

Bishii June ee Sanadkan ayaa Faarax Maxamed faarax Shirdoon oo kamid ahaa Somaalida degen Magaalada Calgary ee dalka Canada waxa uu si rasmi ah ugu biiray Al-Qaacidada ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya isagoo meelahaasina u safray.

Muuqaal lasoo galiyay Youtubka ayaa laga dhax arkay Faarax oo Baasaboorkiisa gubaya una hanjabaya Canada iyo Mareykanka.

“Tani waa fariin ku socota Canada iyo dhamaan America ,waan imaaneynaa ,waana idin burburin doonaa haduu alle idmo ,Shaam kadib ,Ciraaq kadib,waan kuusoo soconaa Barck Obaama”

R.Wasaarihii hore ee Somaaliya C/Faarx Shirdoon saacid ayaa Bartiisa Twitterka kusoo qoray inuu aad uga xun yahay in wiilka uu adeerka u yahay ku biro Kooxda Daacish

Somaali badan oo ku noolaa Yurub iyo Mareykan ayaa ku dhiiraday inay kamid noqdaan Al-Qaacidada ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada