Axmed daaci oo Guri Lagu Xiray (HOUSE ARREST)sida Shiekh Xasan Daahir Aways

Axmed daaci oo Guri Lagu Xiray (HOUSE ARREST)sida Shiekh Xasan Daahir Aways

daajis.com:-Ciidamada Gaashaan oo sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa xabsiga dhigeen Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), oo saakay dagaal kulul la galay Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Xariga Axmed Daaci wuxuu ka dambeeyay markii Odayaal iyo rag kaloo ku heyb ah, ay qaab wada hadal ah ugu soo kaxeeyeen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, oo ay ku sugnaayeen
Madaxda Dowladda.
 
Dowladda, ayaa Madaxa Saadka iyo Sahayda ee Ciidanka Xooga Dalka C/laahi Macalin Nuur iyo Odayaal Dhaqameedyo kale u dirtay Axmed Daaci, si ay kaga soo kaxeeyeen Deegaanka Jaziira,
oo dhaca duleedka Degmada Wadajir, oo uu barqanimadii maantana uu tagey.
 
Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku soo dhaweeyay ergadiisoo kaxeysay Axmed Xasan Cadow. 
 
Madaxweynaha wuxuu muddo muddo daqiiqado ah uu si gaar ah uu ula kulmay Axmed Daaci.
 
Madaxweynaha oo daqiiqado kale kulan kale Madaxtooyada kula qaatay Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Dastuurka & Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wadal dheer ka dib waxaa leesku afgartay in la xiro Axmed Daaci.
 
Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa soo jeediyay fikirka ah in la xiro Axmed Daaci, markii uu ku eedeeyay in uu dagaal adag kala horyimid Ciidamadii Qaranka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, dad badana ay ku dhinteen.
 
Ciidamada wejiyada duuban ee Alpha Group oo loo yeeray, ayaa waxaa la amray in ay xiraan Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci), iyadoo isagana uu isku dayay in uu ka horyimaado xariga, ha yeeshee ay jirdil u geysteen.
 
Ergadii loo diray Axmed Daaci ee keentay Madaxtooyada, ayaa waxay sidoo kale sameeyeen buuq iyo sawaxan, iyagoona damcay in ay is hortaag ku sameeyaan xarigiisii, balse aynaan u suurta gelin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada