R/W Cabdi Weli oo Axmed Daaci xabsiga dhigay iyo Odayaasha Abgaal oo si xun loo jir dilay

R/W Cabdi Weli oo Axmed Daaci xabsiga dhigay iyo Odayaasha Abgaal oo si xun loo jir dilay

daajis.com:-Wejigabaxii ugu xumaa iyo fadeexadii ugu darneed ee ku dhacda hogaamiyeyaal u dhashay beesha Hawiye ayaa xalay ka dhacday Villa Somalia, kadib markii Ra’isul wasaare Cabdi Wali in Xabsiga loo taxaabo Gudoomiyahii hore ee Degmadda Wadajir Korneyl Axmed Daaci, xilli uu horfadhiyay Odayaal u dhashay beesha Abgaal iyo Madaxweyne Garguurte.


Xariga Axmed Daaci wuxuu ka dambeeyay markii Odayaal iyo rag kaloo u dhashay beesha Abgaal, ay qaab wada hadal ah ugu soo kaxeeyeen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, oo ay ku sugnaayeen Madaxda Dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh,ayaa Odayaasha Abgaal ka codsaday inay wada hadal siiyaan isaga iyo Axmed Daaci, hase yeeshee markii ay geeyeen Villa Somalia ayuu Ra’isul wasaare Cabdi Weli amray in xabsiga loo taxaabo Axmed Daaci.

Odayaashii Abgaal ayaa Madaxweynaha la murmay iyagoo isku dayay inay hor istaagaan xeridda Axmed Daaci, laakiin Ciidanka Alpha Group ee la dagaalanka argagixisada ayaa odayaashii u soo galay gudaha qolkeey ku jireen kadibna waxay ku garaaceen qoryaha baadkooda.

Dad la hadlay Caasimada Online, oo faah-faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu marka hore Madaxtooyada kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Dastuurka & Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wadal dheer ka dib waxaa leesku afgartay in la xiro Axmed Daaci.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa soo jeediyay fikirka ah in la xiro Axmed Daaci, markii uu ku eedeeyay in uu dagaal adag kala horyimid Ciidamadii Qaranka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, dad badana ay ku dhinteen.

Ciidamada wejiyada duuban ee Alpha Group oo loo yeeray, ayaa waxaa la amray in ay xiraan Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), iyadoo Axmed Daaci uu isku dayay in uu ka horyimaado xariga, ha yeeshee ay jirdil u geysteen.

Ergadii loo diray Axmed Daaci ee keentay Madaxtooyada, ayaa waxay sidoo kale sameeyeen buuq iyo sawaxan, iyagoona damcay in ay is hortaag ku sameeyaan xarigiisii, balse aynaan u suurta gelin.

Alpha Group oo xoog ku wada Axmed Xasan Daaci, ayaa waxay la tagtay Xaruntii Baarista ee Xisbiga, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada, waana Xarun ay degan tahay Hay’adda Nabad Suggida, waxayna halkaasi ku hayeen muddo kooban.

Nabad Suggida, ayaa ninkaan kolkii dambe u qaaday Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasoo leesku waafaqay in lagu xiro, xilligaana uu ku xiran yahay.

Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Abgaal oo si weyn kaga carooday balanta lagu furay. Odayaashii ayaa damcay inay diidaan kadibna si xun ayaa loo jirdilay odayaashii Abgaal,waxaana iyagoo dhaawaca lagu soo daadshay wadada Maka Al Mukarama – Waa dhaqan cusub oo cajiib ah.

Lama yaqaan tallaabada beesha Abgaal ay qaadi doonto, kadib falkan dhaqan ka baxa ah ee lagula kacay odayaashooda.

Wasiiro iyo Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye ayaa Madaxweyne Xasan u tegay, balse nasiibdaro wuxuu u sheegay inuusan ka hadli karin tacadiga lagula kacay Odayaasha Abgaal iyo sababta ku qasabtay inuu ballanta uga baxo, go’aankana uu yahay mid uu qaatay ra’iisul wasaaraha.

Dowladda, ayaa daba yaaqadii bishii June ee sanadkii hore balanta ku furtay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Habargidir, markii ay u wakiilatay in Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ka soo kaxeeyaan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galagaduud. Xilligaasi wuxuu ka soo baxsaday Ururka Al Shabaab, Dowladduna waxay Odayaasha iyo waxgaradkuba u balanqaaday inay soo dhaweyneyso Ina Macalin Daahir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada