Daawo:- UN Monitoring Group iyo been abuurkeeda DFS oo laga daba tagay

Daawo:- UN Monitoring Group iyo been abuurkeeda DFS oo laga daba tagay

daajis.com:-Shirkadda sharci yaqaannada Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo wada-shaqeyn kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay eedeymo la xiriiray in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka caawisay lunsashada lacago qaran.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobey ee cunaqabateenta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteria, ayaa dhowaan warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ku eedeysay shirkaddan Shulman Rogers in ay gacan ku siisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden in si musuq- maasuq ah ku soo ceshadaan hantidii qaranka, si gaar ahna u isticmaalaan.

Jeremy Schulman oo ka tirsan shirkadda Rogers ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Minnesota in ay maxkamad la tiigsan doonaan Jarat Chopra oo ah guddoomiyaha guddiga kormeereyaasha Qaramada Midoobey ee soo saaray warbixinta eedeynta.

Waxa uu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah Chopra, ayna ka hari doonin illaa caddaaladda laga marsiiyo, kadib dhaawacii uu gaar siiyey qaranka Somalia.

Schulman ayaa caddeeyey in ay si sharci ah oo cad oo la wada ogyahay ay shirakadda gar-yaqaannada Rogers ula shaqeyso dowladda Soomaaliya oo ay ka caawiso dib usoo celinta hantidii qaranka Soomaaliya.

Sarkaalkaan u hadlay shirkadda sharci yaqaanada ee Shulman Rogers ayaa xusay in ay kaalin weyn ka cayaareen soo celinta hanta u dhiganta 33 milyan oo dollar, ayna si sharci ah oo cad ugu wareejiyeen dowladda Soomaaliya oo aaney jirin wax is-dabaimarin ah.

Waxa uu sheegay in Chopra uusan hayn wax caddeyn ah oo lagu rumeysan karo, marka laga reebo qoraalo uu maskaxdiisa kasoo alifay.

Waxa uu xusay in Chopra uu u shaqeynayo dad cadow ku ah qaranka Soomaaliya, oo diidan in dowladda Soomaaliya ay hana qaado, uuna lee yahay ajendooyin siyaasadeed.

Jeremey Schulman ayaa sheegay in eedeymaha kormeerayaasha ay tahay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toonna laheyn , xubnaha guddiga kormeerayaasha cunaqabateynta ee Soomaaliyana ay meel ka dhac u geysteen magaca shirkadda Shulman Rogers iyo madaxda Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore si weyn u beeniyey warbixinta guddigaan ka tirsan Qaramada Midoobay, waxayna dowladda ku eedeysay xubnaha guddiga in ay goobaha fadhi ku dirirada ka soo aruuriiyaan xogaha ay isticmaaleen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada