Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay machad ku yaal Turkiga

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay machad ku yaal Turkiga

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad dheer oo ka hadleysa xaaladda uu xilgan ku sugan yahay wadanka, marxaldihii uu soo maray, isbedelka kajira iyo hiigsiga qorshaha sanadka 2016 ka jeediyay machadka istiraatijiyadda ee dalka Turkiga iyadoo ay su’aalo kala duwan weydiiyeen Prof.ro siyaasiyiin, wariyaal, iyo aqoonyahano kuwaasoo dhamaantood ku qotomay xaaladda wadanka.


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu sharaxay xaaladda dalka isagoo sheegay in Soomaaliya horumaro badan ku talaabsatay 2dii sano ee lasoo dhaafay goobo badana Al-Shabaab laga qabsaday.

Waxaan qorsheyneynaa buu yiri madaxweynuhu inaan soo afjarno dhawaan dagaalka argagaxisada Al-Shabaab taageero badan ayaan ka helnaa dhinacyo badan oo aduunka ah.

“Ra’isulwasaaraha Turkeyga Erdogan ayaa yimid Soomaaliya sanadkii 2011 ma aheyn oo kali ah isaga qoyskiisa iyo golihiisa wasiirada qaar ayaa wehliyay taasi waxa ay bedeshay marxaladii kajirtay Soomaaliya xitaa hay’adaha iyo NGoyadu ma imaan jirin iyagoo dhihi jiray ma ahan goob amaan ah Muqdisho taasi waxay keentay in dalal badan iyo hay’ado badan ay dalka kusoo qul qulaan Soomaaliyana ma hilmaami doonto taageeradii Turkiga ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud”.

Soomaaliya ma jirin safaardo ka furan marka laga reebo dowlado afrikan ah qaarkood markii Turkigu safaaradooda furteen wadamo badan ayaa dib uga taagay calankooda magaalada Muqdisho buu yiri madaxweynuhu.

Muqidsho 3 sanadood kahor wadooyinkeedu ma nadiifsaneyn ma dhisneyn hadda dowlada hoose Stanbul  ayaa gacan siisay dowladeena hoose wadoyinkana dib u hagaajisay.

Madaxweynaha ayaa wax laga weydiiyay arimaha burcad badeeda iyo kooxda Al-Shabaab burcad badeeda ma aheyn buu yiri  wax Soomaaliya ay dhaqan u leedahay hase ahaatee burburkii dalka cunugii jiray 5 sanadood maanta waxa uu jiraa 29 sano wax ma baran fursad kalena ma helin Al-Shabaab ayaa dhahaya nagu soo biir iyo burcad badeeda oo dhahaya nagu biir 1 bil kadib si aad u hesho 100,000 oo doolar hase ahaatee hadda Soomaaliya wey ka yaraanayaan hadda ayaan dowlado ay japan ka mid tahay ka codsanay xarumo tababar si dhalinta loo dhaqan celiyo iyo dowlado kale.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ka hadlay waxa uuna yiri ma ahan oo kali ah mid ku eg 2 dowladood hase ahaatee hadda waxa uu gaaray labada shacab ee ku nool 2da dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiya xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya waxa uuna sheegay in Mareykanku Soomaaliya gacan weyn ka siiyo dhanka ciidamada oo ay ugu horeyso Logistica iyo iyo tababarada waxa ayna ka kamid tahay buu yiri  dowlada taageerada ugu badan ka siiyo dalkeena dhanka ciidamada iyo dib u dhiskooda xiriir wanaagsan ayaana kala dhaxeeya buu yiri Soomaaliya oo 20 sano kadib ayey safaaradooda dib uga furayaan dalkeena.

Intaa kadib ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu booqday xarunta tacliinta sare ee Turkiga halkaasoo ay ku sugnaayeen arday Soomaaliyeed iyo xubno katirsan jaaliyadda.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiay dagaalkii ka dhacay dhawaan deegaanka Saaxdheer aya sheegay in dowlada Soomaaliya mowqifkeedu uu cadyahay mar walba islamarkaana eysan aaminsaneyn iyo awood mileteri xal ku imaanayo in nagu filan ayaan soo aragnay buu yiri kala qob qobnaan iyo colaad dheeri ah 

Halkaan Hoose ka Daawo















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada