DAAWO-ViDEO:- U diyaar Garowgii Dagaalkii Degmeda Buulo Mareer

DAAWO-ViDEO:- U diyaar Garowgii Dagaalkii Degmeda Buulo Mareer

daajis.com:-Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay duhurnimadii maanta ay dagaal La,aan kula wareegeen Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa dagaal culus waxay kala kulmeen Xoogaga Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay gudaha u soo galeen Degmadaasi, iyagoona dagaalka isku adeegsaday noocyada kala gedisan ee hubka.
Labada ciidan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dagaalka ay kala kulmeen Qasaarooyin badan Dagaalka ayaa ahaa mid Shabaabku ay xoogooda isugu keeneen meesha, ha yeeshee ay Markii dambe ayay u suurta gashay in Shabaabka ay ka wada saaraan Degmadaasi.
Xilligaan waxaa degan xaalada Degmada Buulo Mareer, iyadoona ay hawlgal ka wadaan Ciidamada Huwanta, waxaana hawlgalku uu yahay mid ay ammaanka Degmadaasi ku xaqiijinayaan.
Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu bidhaamiyay in ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Buulo Mareer, isla-markaana ay ka eryeen mintidiinta Al Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegaaya in ay u diyaar garoobayaan inay ku dhaqaaqaan Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, haddiiba ay qabteen Degmada Buulo Mareer.

Dhanka kale lama garanaayo halka ay marayaan Ciidamadii Dowladda iyo Amisom, ay saakay ku dhaqaaqay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la soo sheegaayo in barakac uu saakay ka bilowday.
Al Shabaab weli kama aynaan hadlin gulufyada xoogan ee ay ku qaadeen Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada