Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegay Garbahaareey iyo Soo DHawayntii Shacabka!!

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegay Garbahaareey iyo Soo DHawayntii Shacabka!!

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo manta booqday Garbahaarreey ayaa sheegay in xaalad nolol xumi ahi ay soo wajahday dadka gobolka isala markaana ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku in ay gargaar beni’adamnimo la soo gaaraan dadka ku nool degaannadaas.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ayaa socdaal maalin ah oo uu ugu kuur galayo xaaladda nolosha gobolka Gedo wuxuu ku tegey magaalada xarunta ah ee Garbahaarreey, ka hor intii aanuu Muqdisho ku soo laaban galabta.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garbahaarreey wuxuu kulamo la qaatay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, odayaal dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Intaa ka dibna wuxuu soo maray qeybo magaalada ka mid ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegey xero ay ku jiraan askar kun kor u dhaaftay oo ka tirsan ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliyeed islamarkaana ku ammaanay sida ay uga adkaadeen kooxaha nabadda ka soo horjeeda iyo sida ammaanka gobolka ay uga shaqeynayaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay u gargaaraan walaalahood abaartu ay la soo gudboonaatay. Sidoo kale wuxu Hey’adaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba ugu baaqay inay gargaar soo gaarsiiyaan dadka ay roob la’aantu saameysay si kasta oo ay ku soo gaarsiin karaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay Madaxweynihii labaad ee abid soo booqday Garbahaarreey, aadna wey ugu mahad celiyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada