Daawo Video:- Puntland oo shaacisay inay Jartay Xiriirka Dowlada FS kuna baaqday in Xildhibaanadooda kasoo baxan Muqdisho

Daawo Video:- Puntland oo shaacisay inay Jartay Xiriirka Dowlada FS kuna baaqday in Xildhibaanadooda kasoo baxan Muqdisho

daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland C/weli Gaas uu shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa kaasi uu uga hadlaayay Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Gaas waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Maamulkiisa uusan Taageersaneyn Heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ee looga arinsanaayay Maamulka G/ Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Federaalka Somalia wado shirqoolo loo maleegaayo Shucuubta iyo Beelaha soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, waxa uuna Tilmaamay in dhismaha Maamuladaasi ay tahay mid khuseeyo dhismihiisa dadka halkaasi dega.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inay Xiriirka Siyaasadeed u jareen xiligaani wixii ka bilowda Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna sheegay in Dowlada aysan isugu imaan doonin wax wada xaajood ah.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa muddo 15 cisha ah u qabtay xubnaha Puntland matala ee ku jira golayaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya inay si dhaqso ah Muqdisho uga soo baxaan.

HOOS KA AQRISO QORAALKA LAGA SOO SAARAY SHIRKA JARAA’ID EE MADAXWEYNE GAAS:-

Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014-ka. Markay eegtay dastuurka dlka qodobkiisa 50-aad, faqradiisa shanaad iyo lixaad. Markay aragtay dastuurka qodobkiisa 52-aad, faqradiisa labaad, xarafka (B) iyo faqradiisa saddexaad, waxay ku gaartay go’aan sidan soo socot.

1. Puntland waxay kasoo hor-jeeddaa heshiiskii maamulka loogu sameynayo goblolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.

2. Puntland waxay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha calaamka, maadaama heshiiskaas uu yahay mid khilaafsan dastuurlka KMG ah ee dalka u yaalla.

3. Waxay Puntland nasiib-darro u aragtaa in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka dawladda, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed.

4. Puntland waxay wada-tashi ugu yeeraysaa xubnaha kaga jira golayaasha dowladda dhexe ee kasoo jeeda deegaannada Puntland muddo 15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15-ka bisha Ogoosto ee soo socota.

5. Sidoo kale, Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka ahaa guddiga dib-u-eegista dastuurka, Caasha Geelle Diiriye.

6. Puntland waxay go’aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojisay wixii xiriir iyo wada-shaqayn ah ee ay la lahayd dowladda federaalka Soomaaliya.


7. Puntland waxay caddeyneysaa wax alla iyo wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo qaybo ka mid ah ay ka taliso Puntland ay mas‘uul ka tahay dowladda dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada