Daawo Sawirada:- Meydadka kooxihii weeraray Godka Jilacow oo lasoo bandhigay

Daawo Sawirada:- Meydadka kooxihii weeraray Godka Jilacow oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Somalia ayaa looga hadlay weerarkii al-Shabaab ku qaaday taliska Xarunta xabsiga Godka Jilacow ee Nabadsugida, kaasoo ay sheegtay wasaaraddu inuu guuldaro ku dhamaaday.

"Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shabaab abaarro 11:30 gelinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diidka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday"ayaa lagu yiri qoraalka.

arsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu socday mudo 45 daqiiqo ah, isla markaana ay kaqeyb qaadeen 7 xubnood oo al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dhamaantood goobta lagu dilay.

"Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeyeen in weerarkan fashilmay uu ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar kamid ah Al-Shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga"ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in 5 kamid ah kuwa weerarka soo qaaday ay ku labisnayeen tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerareen labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay.

Dhanka ciidamada Dowladda ayaa qoraalka lagus heegay in weerarkan argagixiso ay ugu dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xili howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobolada dalka, iyadoo saacadihii u danbeeyay lagala wareegay degmooyinka Buulo-Mareer iyo Kuntawaarey.  



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada