Daawo Sawirada:- M/weynaha Jabuuti oo Soomaalida ula hadlay si qiiro leh

Daawo Sawirada:- M/weynaha Jabuuti oo Soomaalida ula hadlay si qiiro leh

daajis.com:-Xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana munaasabadan ay aheyd mid ay si wada jir ah ugu soo wada qeybgaleen kumanaan ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle oo xafladdaasi si qiiro leh ula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Jabuuti, isagoo si gaar ah ula dardaarmay kuwa Soomaaliyeed in ay muujiyaan wadajirka Soomaalinimo iyo midnimo.

“Qurbo-joogta waa la xantaa, hase ahaatee maadaama ay maanta Soomaaliya ugu nasiib wanaagsan tahay waxaa la idinka rabaa inaad midnimo yeelataan, waayo qaran iyo qabiil meel ma wada galaan” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

“Shalay waxaan la sheekeysanayay madaxweynaha South Sudan, wuxuuna ii sheegay inay yihiin 65 qolo oo mid kasta afkiisa iyo diintiisa leeyahay taasina waxay kuu muujineysaa in Illaahey  uu jecelyahay dadka Soomaaliyeed, waayo wuxuu ka dhigay dad hal qabiil ah oo hal af ku hadla” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sheegay in dowladda iyo dadka Jabuuti aysan marnaba joojin doonin taageera ay la garab istaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. isagoo si qiiro leh u yiri “Na weydiista wixii aad u baahan tihiin”.

Mar uu ka hadlayay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Somalia ayuu sheegay in ay dhawaan kordhin doonaan tirada kaga sugan Somalia ilaa laga sifeynayo ama laga baabi´inayo Al-Shabaab ay sii joogi doonaan.

Jaaliyada Soomaalida ayaa guddoon siisay bilad sharaf lagu soo qoray HIIL WALAAL, oo loola jeeday ciidamada kaga sugan Hiiraan oo la magac baxay HIIL WALAAL.

Ugu danbeyntii wuxuu kula dardaarmay Jaaliyadda Jabuuti ee kulankaasi kasoo qeybgalay in ay  walaalahooda Soomaaliyeed la garab galaan dadaalka ay ugu jiraan nabadda iyo horumarka dalkooda.


“Taageeradii dadka Soomaaliyeed ay na siiyeen lama hilmaami karo, sidaa daraadeed la garab gala dadaalka ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed”.  


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada