daajis.com:-Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis ku
kacaya lacag dhan 1.9 milyan oo doollar oo lagu taageerayo horumarinta
tayada iyo waxqabadka ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P.
McAnulty oo uu weheliyo ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimah Dibedda
Mareykanka ee xafiiska la-dagaallanka maandooriyaha iyo xoojinta
sharciyada, Todd Robinson ayaa sheegay in lacagta ay qayb weyn ka
cayaari doonto dib-u-habeynta mashaariicda loogu talagalay tayeynta
Booliska.
James iyo Todd ayaa caddeeyay in lacagta loogu yaboohay horumarinta
ciidanka booliska Soomaaliya ay sidoo kale fududeyn doonto in uu
booliska awood u yeesho ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada ka dhaca
qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xuseen
Cabdi Xalane, oo Soomaaliya heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in si loo
xaqiijiyo soo celinta amniga ay muhiim tahay tayeynta booliska
Soomaaliya.
Xafiiska Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka maandooriyaha iyo
adkeynta sharciyada ayaa sidoo kale heshiis lagu taageerayo hirgalinta
siyaasadda wanaagsan, nidaamka iyo sharciyada lagu ilaalinayo adeegga
iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed la saxiixday dowladda
Soomaaliya.
Heshiiska dambe ayaa si gaar ah u tageeri doona horumarinta waaxda
la-dagaalanka dembiyada ee booliska Soomaaliya, wuxuuna fududeyn doonaa
in uu booliska barto qaabka loo baaro dambiyada adag iyo in tababarro
adag la siiyo xubnaha sare ee waaxda dembi-baarista si loo hubiyo
heerkooda shaqo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:31 and have
, Published at