Daawo Sawirada:- Puntland iyo UNHCR Oo 50 Qoys Dib u dajin ugu Sameeyay Gaalkacyo.

Daawo Sawirada:- Puntland iyo UNHCR Oo 50 Qoys Dib u dajin ugu Sameeyay Gaalkacyo.

daajis.com:-Hay’adda Qaramada Midoobeey u qaabilsan Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta 50 qoys oo barakacayaal ah dib u dajin ugu sameeyay Kaamka Salaama 2 ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo, waana Wajigii Koowaad ee dadka IDP-yada loo yaqaano lagu dajinayo Guryo Gaaraya 200 Oo Guri oo ay Dhistay Hay’adda UNHCR. 


Munaasibad 50-kaan Qoys Dib u dajin loogu samaynayey islamarkaasina qoys walba la guddoonsiinayey Qol 5 Mitir ah oo leh Barando iyo Suuli ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Gobolka Mudug, Farxaan Cali Xirsi iyo Madaxda hay’adda UNHCR, waxaana Qoysaska loo sheegay in Maanta wixii ka dambeeya ay reer Puntland yihiin.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad Gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Barnaamijkaan dib u dajinta ah uu yahay mid loogu talo galay is dhexgalka Bulshada Deegaanka iyo kuwa IDP-yada loo yaqaano (Local Integration), waxaana uu sheegay in dadka Gudaha ku barakacay ay iyagu door bideen in ay Puntland ku noolaadaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada