Daawo Sawirada:- Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Gudaha Garaash kuyaala Muqdisho iyo Garaashka oo gubtay

Daawo Sawirada:- Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Gudaha Garaash kuyaala Muqdisho iyo Garaashka oo gubtay

daajis.com:-Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay Gudaha Garaash gaadiidka lagu farsameeyo laguna iibiyo oo kuyaala Agagaarka Isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl-Wadaag.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray gaari uu lahaa Sargaal sare oo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka oo lagu Magacaabo Xerow , Gaariga ayaana lagu farsameenayay gudaha garaashkaasi iyadoona la qorsheenayay in maanta laga saaro sida aan Wararka ku helnay.

Goob jooge kusugnaa Garaashka uu qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in garasahka uu intiisa badan ku gubtay qaraxaasi ayna halkaasi ku bas beeleen gaadiid badan oo qarakood iib u yaalay garasahka iyo kuwa lagu farsameenayay.

Ma jiro wax qasaaro ah oo ka dhashay Qaraxa iyo dabka ka dhacay Gudaha Garaashka kuyaala Agagaarka Baar Ubax, Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida oo goobta soo gaaray ayaana halkaasi ka xir xiray maamulaha garaashka iyo dad kale oo kusugna garaashkaasi xiliga uu qaraxu dhacayay.

Inta badan Qaraxyada Ismiidaaminta ah iyo kuwa gaadiidla lagu xiro ayaa la tilmaamaa in lagu soo diyaariyo gudaha garaashyo kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana dhoor mar qaraxyo ay ka dhaceen garasahyo qaraxyo lagu diyaarinayay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada