Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha oo kulan sagootin ah u sameeyay Guddiga maamul-u sameynta maamulka Koonfur Galbeed

Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha oo kulan sagootin ah u sameeyay Guddiga maamul-u sameynta maamulka Koonfur Galbeed

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Guddiga Maamul-u-Samaynta Koonfur Galbeed. 

Guddigu wuxuu u gogol xaaraya dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, oo ay dhismihiisa dhinacyadu ku kala saxiixdeen xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay Xukuumaddu hormuud ka ahayd kana dhacday magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur Mad-deer, oo kamid ah saxiixayaashii heshiiska Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha marti qaadka uu u fidiyay ergooyinkii ka socday dhinacyadii isku hayay maamullada Koonfur Galbeed Saddex iyo Lix, kuwaasoo ugu dambeyn heshiis taariikhi ah kala saxiixday.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, runtii waxaan kugu ammaanayaa dadaalkii dheeraa oo aad u gashay dadka deggan Koonfur Galbeed, waxaanan kaaga haynaa abaal weyn. Dhowr bilood ka hor markii aan Muqdisho soo gaarnay waxaan ahayn dhowr garab oo kala socdo, haddana oo aan dib ugu laabanayno deeganadeennii waad aragtaa isku duubnida naga muuqata. Taasi waxay marqaati u tahay dadaalkaagii inuu miro dhal noqday. Waxaan ka codsanayaa Xukuumadda inay sii waddo taageerada iyo dhamaystirka Maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Mudane Mad-deer.

Dhiniciisa, Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khalid Cumar Cali, oo ka mid ah xubnaha Guddiga ugu jira Xukuumadda, ayaa ku gubaabiyay dhinacyada in markii ay deeganadooda ku noqdaan ay la yimaadaan dul-qaad iyo adkaysi, isagoo xasuusiyay in looga fadhiyo inay gogol nabadeed ku qanciyaan dadka wax tabanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo gunaanadkii kulanka ka hadlay, ayaa mahadcelin kaddib kula dar-daarmay Guddiga inuu miro dhal noqdo heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhinacyadu ku gaareen Muqdisho.

Wuxuu yiri Ra'iisul Wasaare Cabdiweli:

“Waxaan soo xirnay shirarkii muddo ka socday Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha Koonfur Galbeed. Maalintii ugu horreysay oo aan Muqdisho isugu nimid waxaa idin dhex yiil kalsooni xumo, waxaadna u kala fadhideen koox-koox, maantana waxaa Ilaahay mahaddiis ah inaad is dhex fadhidaan, heshiis wada gaarteen, diyaarna u tihiin inaad shacabkiina u wada adeegtaan.

"Waxaad wada aadi doontaan Baydhabo si aad uga shaqeeysaan hawlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo dhamaystirka Maamulka Koonfur Galbeed. Horumarka ay gaaraan shacabka Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose waxaa furo u ah in laysu muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo heshiiska la gaaray.

"Xukuumaddu waxay u taagan tahay inay idinka taageerto wax walba oo fududeeynaya hannaanka maamul-sameeynta. Waxaan idinkula dardaarmayaa in farxadda hadda idinka muuqata aad kula noqotaan shacabka, kana shaqaysaan soo celinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada si meesha looga saaro isfaham waagii ragaadiyey horumarka gobolladaas."

Dhanka kale, wuxuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli aad uga mahad celiyey xubnaha Guddiga ugu jira Xukuumadda dadaalka dheer ee ay u galeen in xal laga gaaro khilaafaadkii muddada ka jiray gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada