Daawo Sawirada:- Shirka xubnaha golaha Amaanka ee QM iyo madaxda Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Daawo Sawirada:- Shirka xubnaha golaha Amaanka ee QM iyo madaxda Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

daajis.com:-Shirka Xubnaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobay iyo madaxda Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xubnaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobay oo ka koobnaa 15 xubnood ayaa kulanka la qaatay, madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha maamullada Jubba iyo Galmudug.

Daawo Sawirada soo dhameystiran.
Shirka ayaa waxaa  looga hadlayay, arimaha amaanka, hanaanka dimoqraadiyadda, in dalka la gaarsiiyo marka la gaaro sanadka 2016-ka hanaanka doorashada oo ah in qofkasta uu codkiisa si kalsooni ah u dhiiban karo iyo horumarka dowladdu ay ku talaabsatay, iyadoo sidoo kale wadahadal la yeeshay madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.
Madaxda Soomaaliya iyo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shirka markii uu soo idlaaday kaddib waxa ay kulamo kale la qaateen xubnahaasi ururrada bulshada rayidka kaasi oo looga hadlay arrimaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.
Shirarkaan  kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wakiilka joogtada ah ee Britain u qaabilsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall-Grant oo wafdiga hoggaaminayay, isagoo sheegay kulammadii ay madaxda dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah la qaateen ay ahaayeen kuwo la isku af-gartay.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay inaan Soomaaliya booqano. Booqashadeenu waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay beesha caalamku uga go’antahay inay taageerto horumarka ay Soomaaliya u qaadday si ay u gaarto nabad iyo xasillooni. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhowaan la gaaray si loo dhiso maamul goboleedyo ku meelgaar ah, oo ay ka midyihiin sameynta Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah iyo heshiisyada laga gaaray Maamulka Koonfur Galbeed ee Ku-Meelgaarka ah iyo Gobollada Dhexe,”ayuu yiri wakiilka joogta ah ee Britain u qaabilsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall-Grant.
Wakiilka joogta ee dalka Nigeria u qaabilsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Danjire Usman Sarki ayaa tilmaamay in booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho ay tahay mid taariikhi ah, islamarkaana ay soo dhaweynayaan horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Wefdiga xubnaha Golaha Amaanka ee maanta Muqdisho yimid wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iyo Maraykanka (USA).
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu horreysay oo nooceeda oo kale ah oo xubnaha Golaha Ammaanka ay ku tagaan Soomaaliya inka badan 20 sano kaddib burburkii dowladdii dhexe.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada