Schulman Rogers:- oo iska Fogeysay Eedda QM

Schulman Rogers:- oo iska Fogeysay Eedda QM

daajis.com:-Warar dhawaan ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters oo qeyb ka ah warbixin aan weli si rasmi ah u soo bixin oo Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee Cuna qabateyn hubka ee Somalia iyo Eretria, ay ka diyaariyeen Somalia, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamud iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden inay doonayeen inay si musuq maasuq uu ku jiro ay u soo ceshadaan hantida dowladii hore ee Somalia.

Warbixintu waxey sheegtay in Madaxda Somalia ay howshaasi qandaraas ku siiyeen shirkadda  Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay magaadan Washington.
Madaxda dowladda Somalia ayaa horey u beeniyay eedeyntan, laakiin shirikadda Shulman Rogers ayaa markii ugu horeysay Iyana shir jaraa’id oo ay xalay ku qabtay magaalada minniapolis ee gobolka Minnesotta kaga hadashay eedeynta, waxeyse sheegtay in lacag 33 malyuun oo dollar gaareysa oo ay somaliya laheyd inay soo celisay oo ay shirkaddu ku wareejisay dowladda Somalia.

Shirkaasi Jaraa’id ka dib Ayaa wariyeheena Maxamed Cabdi Sandheere waxa uu khadka taleefanka kula xiriiray Jeremy Shulman oo ka tirsan madaxda shirikadda , waxaana ugu horeyn weydiiyay ujeedada shirkooda jaraa’id.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada