Xubnaha Golaha amaanka oo Muqdisho soo gaaray shirna la leh Madaxda Dowladda

Xubnaha Golaha amaanka oo Muqdisho soo gaaray shirna la leh Madaxda Dowladda

daajis.com:-Waxaa Goordhaw la filayaa in Magaalada Muqdisho soo gaaraan Xubnaha joogtada ee golaha amaanka Qaramada midoobay , iyadoona hada ay socoto qaban qaabo aad u balaaran oo lagu soo dhaweenayo xubnahaasi.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kusugan xubno katirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM oo Mudisho kusoo dhaweenaya Xubnaha Golaha amaanka Qaramada midoobay kasocda.

Wafdiga ayaa markii ay yimaadaan waxaa la filayaa in ay tagaan Xarunta Xalane ayna kulamo la qaataan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee kusugan Xerada Xalane.

Xubnaha golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa inta ay joogaan Magaalada Muqdisho waxa ay u kuurgali doonaan xaalada Dalka Soomaaliya ka jirta, waana markii ugu horeesay ee Muqdisho yimaadaan xubno kasocda Golaha amaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada