Daawo Sawirada Layaab Leh:- Kadib Wiil yar oo Feerihiisa Dhego Looga Sameeyay

Daawo Sawirada Layaab Leh:- Kadib Wiil yar oo Feerihiisa Dhego Looga Sameeyay

daajis.com:-Kieran Sorkin oo 9-sano jir ah ayaa qaliin loogu sameeyay Isbitaal kuyaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, waxaa loogu abuuray labo dhegood oo markii hore uusan laheyn.

Wiilkan ayaa dhashay isaga oon wax dhago ah laheyn , waxaana wiilkan halka dhagaha dadka bini'aamka ugu yaalaan uu ku lahaa kaliya wax yar oon dhago aan dhameyn.

Qaliin loogu sameeyay Isbitaal lagu Magacaabo Great Ormond Street ayaa wiilkan waxaa loogu sameeyay qaliin looga abuuray dhego , waxaana dhegaha wiilkan looga abuuray Feerihiisa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen.

Kieran Sorkin ayaa waxaa laga soo saaray carjawda lix feer, oo inta la soo gooyay laga sameeyay dhago, waxaana dalka Ingiriiska Mudo sanad ah ku dhashay caruur gaaraya 100- kuwaa oo qaarkood aan dhego laheyn halka kuwa kalana ay leeyihiin kaliya hal dheg.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada