Daawo Sawirada :- Maamulka Degmada Howl-Wadaag oo Maanta ka farxiyay Qoyssa badan oo Degmadaasi ku dhaqan

Daawo Sawirada :- Maamulka Degmada Howl-Wadaag oo Maanta ka farxiyay Qoyssa badan oo Degmadaasi ku dhaqan

daajis.com:-Waxaa Maanta Xarunta Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir Deeq raashin kala duwan ah loogu qeeybiyay qoysas danyar ah kuwaa oo ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Degmadaasi ka koobantahay.

Deeqda Raashinka ee isugu jirtay Sokor, Bur, Bariis , Saliid iyo alaabo kale ayaa loo qeybiyay 180-Qoys oo u badan dad danyar ah , waxaana Deeqdan Maamulka Degmada Howl-wadaag maanta qeybiyay soo gaarsiisay Mu’asasada Al-Rayaan.

Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa sheegay in Raashinka loogu tala galay dadka danyarta ah ee ku dhaqan Demadaasi loogu qeybiyay sidii loogu tala galay, waxa uuna u mahad celiyay Mu’asasada raashinkan soo gaarsiisay.

Dhinaca kale dadkii manta loo qeybiyay Raashinka kala duwan ayaa uga mahad celiyay Maamulka Degmada Howl-Wadaag iyo Hay’dii deeqda soo dhiibtay , waxa ayna tilmaameen in si cadaaladi ku jirto loogu qeybiyay deeqda raashinka ah ayna aad ugu faraxsan yihiin.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada